Somaliland ayaa ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya oo ku saabsanaa doorashada madaxtooyada ee soo socota, waxaanay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku doonayso inay ku wiiqdo qaranimadeeda. Jawaabtan kulul ayaa daba socotay hadaladii Fiqi ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana uu ka hadlay arrimo ku saabsan midnimada Soomaaliya.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Ambassador Rooda J. Cilmi, ayaa carabka ku dhufatay inaanay Somaliya awood u lahayn arrimaha gudaha ee Somaliland, oo ay ku jirto doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyay inay qabsoonto 13-ka November, “Doorashooyinkaasi waxa u xilsaaran dawladda Somaliland iyo shacabkeeda oo keliya,” ayuu yidhi Cilmi. bayaan uu soo saaray Jimcihii.
Xukuumadda Somaliland ayaa si gaar ah u naqdisay diidmada Soomaaliya ee la xidhiidha xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland. Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay heshiis dhex maray Somaliland iyo Itoobiya oo Itoobiya u ogolaatay inay hesho dekedaha Somaliland, isla markaana ay ku jiraan qodobbada saldhig milateri. Fiqi ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu wiiqayo qarannimada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayay dawladda Soomaaliya kaga jawaabtay hadalkaas. “Waa wax lagu qoslo in maamul ku guul darreystay inuu qabto doorasho lagu kalsoonaan karo oo hufan muddo tobanaan sano ah inuu wax ka sheego hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ee sida wanaagsan loo dhisay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in doorashada Somaliland ee November dhici doonta ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.
In kasta oo Somaliland aanay weli aqoonsi ka helin caalamka, haddana waxa ay u shaqaynaysay sidii dal madax-banaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, iyada oo ilaalinaysa dawladnimadeeda, ciidankeeda iyo nidaamkeeda sharci.