Eritrea iyo Masar oo laga yaabaa inay buuxiyaan hadii ay soomaaliya ka baxaan ciidamada Itoobiya.

0
16

Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa qorshayaasha lagu qaabeynayo howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta iyo taageerada Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee hadda jira (ATMIS) uu gabagabo ku dhow yahay. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay ciidamada Itoobiya ka saari doonto howlgalka cusub haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gashay Somaliland. Is-afgaradka, oo la saxeexay horraantii sannadkan, ayaa u ogolaanaya Itoobiya inay hesho biyaha Somaliland, tallaabadaas oo ay Soomaaliya u aragto meel-ka-dhac ku ah madax-bannaanideeda dhuleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qabtay Itoobiya ilaa December 31, 2024 inay ka noqoto heshiiskaas. Haddii Itoobiya ay u hoggaansami weydo, Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay meesha ka saarto dhammaan ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gudaha dalka. Intaa waxaa dheer, Itoobiya waxaa laga yaabaa inay wajahdo gabi ahaanba ka saarida AUSSOM. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay durba kala xaajootay Eritrea iyo Masar si loo buuxiyo daldaloolo amni oo ka dhalan kara in Itoobiya laga saaro howlgalka.
Is-afgaradka ayaa xiisad weyn ka dhex dhaliyay Muqdisho iyo Addis Ababa, iyadoo Soomaaliya ay heshiiskaas u aragto mid xad-gudub toos ah ku ah madax-bannaanideeda. Go’aanka Itoobiya ay ku dhaaftay dowladda dhexe ee Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah ula xaajoonayso Somaliland oo ah gobol doonaya madax-bannaani ballaaran, ayaa wiiqay awoodii dowladda federaalka.
Tallaabadan ayaa sidoo kale muujineysa xiisado siyaasadeed oo ballaaran, iyadoo quwadaha kale ee deriska ah, oo ay ku jiraan Masar iyo Ereteriya, ay u socdaan sidii ay u taageeri lahaayeen dadaallada amniga ee Soomaaliya. Hawlgalka AUSSOM ee soo socda ayaa muhiim u ah himilooyinka amniga iyo xasilinta Soomaaliya ee mustaqbalka fog, waxaana dowladda federaalka ah ay weli ka go’an tahay xaqiijinta in ku lug lahaanshaha caalamiga ah uu ixtiraamo madax-banaanideeda lana waafajiyo danaha qaranka.

Mowqifka adag ee Soomaaliya ka qaadatay ka mid noqoshada ciidamada shisheeye ee qaab dhismeedka amniga ayaa ka tarjumaysa go’aanka dowladda ee ah in ay gacanta ku dhigto xuduudaheeda iyo madax-banaanideeda siyaasadeed. Xaalada soo ifbaxa ayaa ah tijaabo fure u ah awooda Soomaaliya ay ku maareyso caqabadaha siyaasadeed ee gudaha iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here