Home WARARKA Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh oo computer ku soo...

Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh oo computer ku soo kala saaranaya

19
0

Doorashada hoosaadka xisbiga JSP oo Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa computer ku soo kala saaranaya xubnaha u galaya doorashada golaha Deegaanka Khilaafka ka jiro ee Gobolka Banaadir, doorashadaa oo JSP keligood ku tartamayaan.

Xisbiga Hassan Sheikh JSP iyo gudigooda doorashada waxay sheegeen in gobolka Banaadir doorashada isku diiwaan geliyeen 923 kun oo qof, balse doorasho hoosaadka xisbiga JSP xubnihiisa codeyn u socota 2 maalin, ku e keed shalay 8AM , oo aanay u kala harin, Hassan iyo Hamze codeeyeen xubnaha guud ee xisbigaa waxay noqdeen 90 kun, waa in ka yar 10% dadka Muqdisho iska diiwaan geliyey.

Nidaamka JSP waxaa la qariyey degmo kasta dadka loo codeeyey marka laga reebo 5-ta qof oo u sareysa oo ah qiyaasta 30-40% codadka degmo kasta sida ay sheegayaan, halkaa waxaa ku qarsoon in xubnaha xisbiga ay sida ay rabaan ka yeeli karaan xubnaha murashaxa uga noqonaya councilka xubnihiisa kale maadaama la qariyey.

Doorasho ay qabsan doonaan kooxda Hassan Sheikh meeqo % bay sheegan doonaan marka Codbixiyayaasha xisbigooda gaari waayey 10% tirada is diiwaan gelisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here