Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay 24 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ka dhacay ciyaartii kubadda cagta ee Muqdisho.

0
13

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay 24 dhalinyaro ah Axadii, kadib markii ay qal qal amni ku sameeyeen ciyaar heer degmo ah oo ka socotay garoonka Eng. Yariisow Stadium Muqdisho.

Qalalaasahan ayaa waxa uu ka dhacay ciyaar dhexmartay degmooyinka Kaaraan iyo Wadajir oo ka tirsan tartanka kubadda cagta ee gobolka Banaadir. Maamulka ayaa sheegay in dhalinyarada la xiray ay ku howlanaayeen falal lidi ku ah amniga guud, islamarkaana carqaladeynaya munaasabadda.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in qeybta ay ka tirsan yihiin booliiska gobolka Banaadir ay fuliyeen howlgalka. “Waxaan ku soo qabanay 24 qof oo qas ka waday garoonka Eng. Yariisow, falalkaas oo xadgudub ku ah amniga guud iyo shuruucda u degsan ee daawadayaasha labadaba,” ayaa lagu yiri qoraalka. Booliska ayaa tilmaamay in baaritaanada ay socdaan, kuwa la qabtayna la horgeyn doono maxkamadaha ku haboon.

Booliska ayaa sidoo kale uga digay dhalinyarada ka qeyb galeysa munaasabadaha guud, gaar ahaan tartamada ciyaaraha. “Shacabka waxaan kula talinaynaa inay ka fogaadaan ka qayb qaadashada falalka wax u dhimaya amniga guud iyo inay ixtiraamaan shuruucda,” ayaa lagu daray qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here