Home WARARKA Isbitaakii Hooyada iyo Dhalaanka Jowhar oo isku Badalay Kawaanka Hooyada iyo Dhalaanka..

Isbitaakii Hooyada iyo Dhalaanka Jowhar oo isku Badalay Kawaanka Hooyada iyo Dhalaanka..

24
0

Waxaa Sii kordhaaaya Saameynta Hooyada iyo Dhalaanka ay kala kulmayaan Dhaqaatiirta ku Sugan Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka IMC ee magaalada Jowhar.

Dhaqaatiirtaan qaarkkod oo aan Lahayn Qibrad ku Filan oo ay ku Umuliyaan Hooyada Xiliga foosha ayaa Sababay dhibaatooyin badan oo ay u geysteen Hooyooyin loo geeyay Cisbitaalka Si ay halkaas ugu Umulaan lkn Kala kulmay Uur kutaalo iyo dhibaato Xanuun Badan.

Lama arkin Umuliso Telkeeda isticmaaleyso iyada oo kiis ku jirta Saaranna masuuliyada laba Naf oo la rabo iney Bad baadiso alle ayaa wax badbaadiya ee Waxaana ay si Naxariis daro ah iyaga oo aan Jarin Hooyada oo Da’dii labaad markaas umuleysaa Caloosha uga Riixiin si ay Cadaadis Canuga uga soo Saaraan lkn Canugii ayey Naqaska ku Xireen Kadibna Nafta dhaafiyen.

Gabar ugub ah oo taagan Xiligeedii dhalmada oo ay Fooshii Saxda ahayd Saaran tahay ayey Qofkii waday ku yiraahdeen Naa Fool maheyso qoftaane Banaanka u bixi iyaga oo Mobeeladooda isticmaalaayo sidaas waxaa sheegay mid ka mid Dadkii goob jooga ahaa.

Waxaana durbadiiba Ilamahii ay Soo goosteen Waddadii ay soo Mari lahaayeen taas oo keentay in Festula ay Noqoto gabadhaas yarta ah ee Rajada fiican lahayd kadibna ay bilaabeen in dhaqaatiirtii Qibrada lahaa ay Gar gaar u Sameeyaan Markii ay Xaaladu Xumaatay.

Hadaan Arinka isbitaalka ka taagan Wax laga qaban hooyooyin badan iyo Caruurtooda ayaa Daryeel la’aan uga dhamaan doona Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Jowhar Sidaas waxaa qaba qaar ka mid ah Bulshada ku nool magaalada jowhar.

Maamulka Degmada Kan Gobolka Madaxda Hirshabeelle iyo Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayay u Baaqeen Dadka ku nool magaaladas ah in Xaalada Daryeel la’aaneed ee Cisbitaalka Wax laga qabto Lana koontroolo Aqoonta iyo Qibrada Umulisooyinka Xarunta ka Howlagala Si loo Bad baadiyo Hooyooyin Badan oo ku Waxyeeloobi doona Cisbitaalka oo Kawaan isku Badalay Maalmahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here