Home WARARKA DHAGEYSO :NISA oo kordhisay dhibaatada ay ku heyso shacabka Muqdisho

DHAGEYSO :NISA oo kordhisay dhibaatada ay ku heyso shacabka Muqdisho

17
0

Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA, ayaa billaabay bilihii u danbeeyey in ay dhibaateeyaan dadka leh ganacsiga yar-yar, gaar ahaan kuwa waratada ah iyo qaarka leh dabakayooyinka.

Ciidamadan ayaa dadkaasi nolosha maalin laha ka raadinaya ganacsiga yar yar weydiisanaya lacago baad ah oo dhan $30 dollar, waxaana qofkii bixin waaya ay ugu hanjabaan inay ka bur burin doonaan goobtiisa ganacsi ee ku raadsado nolosha Carruurtiisa, iyagoo ku andacooyonaya in dukaankiisa laamiga dhiniciisa ku yaalla uu caqabad ku yahay isku socodka.

Qaar badan oo kamid ah ganacsatada, oo ku sugan Suuqa Bakaaraha ayey ilaa hadda ka bur-buriyeen goobahoodii ganacsi, iyagoo bililiqeystay agabkii kala duwanaa ee u saarnaa miiska ama dabakaayada ay ku shaqeysanayeen.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in xaaladdooda ay sii adkeyneyso, aamusnaanta dowladda hoose ee Xamar oo Canshuur ay siiyaana ay qalbiga ka jebisay, waxayna ku noqotay caqabad.

Dhibaatadda oo markii hore ku ekeyd Suuqa Bakaaraha, ayaa hadda soo gaartay Isgoyska Seybiyaano, halkaasoo kamid ah goobaha ay ku badan yihiin dadka leh ganacsiyada yar yar, waxaana laga sameeyey howlgallo lagu bur-burinayo dhowr ganacsi, kadib markii dadkii lahaa ay awoodi waayeen bixinta lacagta baadda ah ee $30-ka dollar bil walba.

walbahaarka heysta ganacsatadan yaryar ee laamiga dhiniciisa ku ganacsada Muqdisho, ayaa ah mid sii kordhaysa, waxaana arrintan guracan ay noqoneysaa mid shaki badan galisa nolol maal-meedka qoysaska danyarta ah, ee ku tiirsanaa shilimaadka yar ee laga helo ganacsiga yar-yar.

Sidoo kale waxaa jira dhibaato ka taagan degmada xamarweyn ka markii Ganasata laga qaado lacago Baad ah.

Mid ah Haweenka ku nool Degmada xamarweyne oo walaalkeed markasta ay iska xertaan ciidamada NISA si ay lacag ugu qaataan ayaa ka hadashay.
Hoos ka dhageyso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here