Ku: Warbaahinta, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha & Bulshada Soomaaliyeed
Ujeeddo: Ku dhawaaqidda joojinta ku-meel-gaarka ah ee howlaha Idaacadda Marka FM Somalia
Taariikh: 29-11-2025
Goobta: Marka, Shabeellaha Hoose
Idaacadda Marka FM Somalia, oo ah idaacad madax-bannaan oo ka howlgasha Magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxay maanta bulshada, taageerayaasheeda, iyo dhammaan hay’adaha warbaahinta la wadaageysaa in ay si ku-meel-gaar ah u joojisay dhammaan hawlaheeda shaqo.
Go’aankan waxa uu yimid kaddib isfahan la’aan soo noqnoqotay, cadaadis shaqo, caqabado amni iyo handadaad aan dhowr jeer kala kulannay Gudoomiyaha Degmada Marka Osmaan Muse iyo saraakiisha amniga, kuwaas oo saameyn ku yeeshay xorriyaddii shaqada iyo jawiggii ay idaacaddu ku shaqeyn lahayd si madax bannaan oo ammaan ah.
Caqabadaha na qabsaday waxaa ka mid ah:
Isfahan la’aan ku saabsan howlaha warbaahineed oo keentay in si joogto ah naloo farageliyo ama naloo xaddido awooddii aan ku gudan lahayn shaqadeenna.
Cadaadis iyo fariimo aan caddeyn oo aan laheyn hannaan sharci ah, iyo gacan ka hadal, taas oo abuurtay jawi cabsi gelin iyo hubanti la’aan shaqo.
Xaalado amni oo saameyn ku yeeshay shaqaalaha idaacadda, taas oo keentay in badbaadada shaqaalaha iyo qalabkuba ay noqdaan mudnaanta koowaad.
Go’aanka aan ku joojinay shaqada
Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha kor ku xusan, waxay maamulka idaacadda iyo guddiga farsamada ku heshiiyeen in:
Shaqada la joojiyo si ku-meel-gaar ah,
Si loo ilaaliyo badbaadada shaqaalaha,
Loona sugo jawi amni iyo shaqo oo oggolaanaya in idaacadda ku shaqeyso xorriyad sax ah.
Tani ma aha joojin joogto ah, balse waa tallaabo lagama maarmaan u noqotay in la qaado si loo dhowro amniga idaacadda, loona xalliyo caqabadaha jira.
Waxaan ugu baaqeynaa:
Maamulka degmada iyo saraakiisha amniga in la joojiyo fara-gelin shaqo ee Warbaahinta Marka FM Somalia.
Ururrada warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha in ay gacan ka geystaan Taageerida ilaalinta xorriyadda saxaafadda.
Bulshada reer Marka in ay garab noo sii ahaadaan, ayna fahmaan duruufaha hakadkan nagu qasbay.
Idaacadda Marka FM Somalia waxay mar kale caddeyneysaa in ay weli ka go’an tahay u adeegidda bulshada, faafinta xogta lagu kalsoonaan karo, iyo ilaalinta anshaxa saxaafadda — marka uu jawiga shaqo soo hagaago



