Home WARARKA Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

20
0

Shil sababay dhimashada Haweeney la sheegay in ay ahayd 60 jir oo lagu magacaabo Maryan Maxamuud Culusow ayaa xalay saq dhexe ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, gaariga shilka galay ayaa rarnaa.

Gaariga oo noociisu yahay (Ina-tareey) waxaa la sheegay in uu darawalka damacsanaa in uu kala wareego balse bareegga uu ka waayay waxa uu dhexda ka galay guriga ay ku sugnayd Marxuumadda & Maqaayad ku dhegeneed oo ay ku dhaawacmeen 4 qof.

Halka uu shilka ka dhacay oo aan sidaaas uga fogayn Isgoyska Howlwadaag iyo Saldhigga Booliiska Degmada howlwadaag, waxaa ku baxay Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda oo xiray waddada isla markaana amray marxuumadda u qaaday Xarunta Dambi baarista CID

Shilalka ay ku lugta leeyihiin Gawaarida Xamuulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay Magaalada Muqdisho, wadayaasha oo aan isku hubin gaadiidkooda ayaa la sheegay in ay kaxeeyaan kaddibna waxa ay ka waayaan Bareegga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here