Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

0
12

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa inta uu ku guda jiro booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu la kulmay madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Saqr Ghobash.

Labada mas’uul ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dowladood inay sare u qaadaan xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanka, waxayna ballan qaadeen inay si dhow uga wada shaqeyn doonaan horumarka labada dal.

Axmed Madoobe ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay martiqaadka rasmiga ah ee loo fidiyay iyo soo dhoweynta diiran ee Baarlamaanka Imaaraadka Carabta oo muujineysa muhiimadda ay kulamadan oo kale u leeyihiin isfaham iyo iskaashi qoto dheer oo dhexmara labada dal.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday muhiimada ay leedahay in la adkeeyo iskaashigooda, muujinta danaha labada dhinac ee maamulka, horumarinta sharci dejinta, iyo xasiloonida gobolka.
Ka-qaybgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu kobcinayo xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya labada waddan.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka waxaa daba socday guddiga saaxiibtinimada baarlamaanka oo loo sameeyay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah. Guddiyadan ayaa noqon doona kuwo isku xira Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka kale sida Imaaraadka Carabta oo kale waxaana ay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan sare u qaadida isfahanka iyo iskaashiga labada dhinac.

Booqashada Guddoomiye Madoobe ee Imaaraadka Carabta ayaa astaan ​​u ah wanaajinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, taasoo muujineysa sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here