Home WARARKA Soomaaliya iyo Turkmenistan oo ka wada hadlay xoojin xiriirkooda Diblumaasiyadeed

Soomaaliya iyo Turkmenistan oo ka wada hadlay xoojin xiriirkooda Diblumaasiyadeed

19
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Turkmenistan ayaa telefoon ku yeeshay wada-hadal diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, nabadda caalamiga ah iyo horumar waara, sida ay soo tebisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkmenistan.

Intii lagu jiray wadahadalka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkmenistan, Rashid Meredov, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, waxay ka wada hadleen diyaargarowga Madasha Caalamiga ah ee Nabadda iyo Aaminaadda, oo lagu qabanayo 12-ka December magaalada Ashgabat.

Labada wasiir waxay sidoo kale isla gorfeeyeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal iyo hay’adaha caalamiga ah, iyagoo si gaar ah uga hadlay doorka Qaramada Midoobay. Waxaa la tilmaamay in Soomaaliya iyo Turkmenistan ay wadaagaan aragtiyo isku dhow oo ku saabsan nabadeynta caalamka iyo horumar waara.

Wadahadalladan waxay daba socdaan kulan bishii Agoosto ka dhacay magaalada Awaza ee Turkmenistan, oo ay ku kulmeen Wasiir Ku-xigeennada Arrimaha Dibadda ee labada dal, Axmed Gurbanov iyo Iisaaq Maxamuud Mursal.

Kulankaas, labada dhinac waxay ku adkeysteen doonista ay u qabaan ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ururrada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here