Hay’adda caalamiga ah ee badaha (IMB) ayaa ku boorisay hawl-wadeennada maraakiibta inay feejignaadaan inkastoo ay si weyn hoos ugu dhaceen weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya sagaalkii bilood ee la soo dhaafay. Warbixintii ugu dambeysay, IMB waxay iftiimisay in iyadoo guud ahaan heerka khatarta uu hoos u dhacay, burcad-badeeddu ay weli walaac ka qabaan, gaar ahaan biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.
Sida lagu sheegay warbixinta, oo ay la wadaagto Xinhua, wax weerar ah oo budhcad-badeed ah lama soo sheegin intii u dhaxaysay bilihii July iyo Sebtembar 2024, taas oo ay u badan tahay in ay sabab u tahay roobab mahiigaan ah oo caadi ahaan xaaladaha badda ku adkeeya dhaqdhaqaaqa budhcad-badeedda. Si kastaba ha ahaatee, IMB ayaa ka digtay in hoos u dhacan shilalka aysan muujineynin dhamaadka khatarta burcad badeedda ee gobolka.
“In kasta oo ay hoos u dhaceen warbixinnada budhcad-badeednimada, dhacdooyinkii u dambeeyay waxay muujiyeen in budhcad-badeedda Soomaalidu ay weli awood u leeyihiin inay weeraraan maraakiibta in ka badan 1,000 mayl ka baxsan,” ayay warbixintu ka digtay.
Muddadii sagaalka bilood ahayd, IMB waxay duubtay saddex markab oo la afduubay, laba kalena waa la fuulay oo rasaas lagu furay, iyo mid la isku dayay in lagu weeraro biyaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ee ballaadhan. In kasta oo tirooyinkani ay ka dhigan yihiin hoos u dhac sii socda ee weerarrada, IMB waxay ku nuuxnuuxsatay in xaaladdu is beddeli karto, gaar ahaan marka xaaladaha dabaylaha ay fududaadaan.
Xarunta Warbixinta Budhcad-badeedda ee IMB (PRC) ayaa kula talisay mulkiilayaasha maraakiibta iyo hawl-wadeennada inay sii wadaan u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee badaha iyo inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay dhex maraan biyaha khatarta sare leh. PRC waxay ku nuuxnuuxsatay in budhcad-badeedda Soomaalidu ay weli yihiin khatar halis ah, oo awood u leh inay qaadaan weerarro casri ah oo ka fog badda.
“Feejignaan joogto ah waa lagama maarmaan si looga hortago is-afgaranwaa iyo in la hubiyo badbaadada maraakiibta mara waddooyinkan muhiimka ah ee badda,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Biyaha xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed ayaa ah marin muhiim ah oo ay maraan maraakiibta isaga kala goosha Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya. Iyadoo roondooyinka caalamiga ah ee ciidamada badda iyo tallaabooyinka amniga ee la wanaajiyey ay si weyn u yareeyeen tirada weerarrada budhcad-badeednimada ee lagu guulaystay sannadihii u dambeeyay, haddana gobolka ayaa weli ah mid nugul.
Budhcad-badeedda Soomaalida oo mar ahaa khatar baahsan oo ku habsatay maraakiibta caalamiga ah, waxa ay noqdeen kuwo aan firfircoonayn, taas oo ay ugu wacan tahay iskaashiga caalamiga ah oo kordhay, hab-maamuuska badda oo la adkeeyay, iyo joogitaanka ciidammada badda ee gobolka. Si kastaba ha ahaatee, IMB ayaa ka digtay in shabakadaha budhcad-badeednimadu ay dib u soo bixi karaan haddii aan laga feejignaan.