Dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe.

0
13

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal beeleed uu ka dhacay duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Dagaal beeleedka ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan qiyaastii 10 KM u jira magaalada xeebta ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow.

Maleeshiyaadkii dagaalamay ayaa dib isu soo abaabulaya oo is horfadhiya, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ay helayaan gurmad, taasoo sii xumaynaysa xiisadda deegaanka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo ku aadan dhacdadan.

Degmda Cadale ayaa waxaa marar badan ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo, waxaana deegaanada hoos yimaada degmadaas ay saameyn ku yeelatay wax wada qabsi soo noqnoqday.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Cadale ayaa sidoo kale jabiyay heshiis nabadeed oo dhawaan laga gaaray colaada gobolka Sh/dhexe, kadib markii ay heshiisiiyeen madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda sare ee dowlad goboleedka Hirshabelle. .

Dowladda federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ayaa dhowr jeer halkaasi geeyay ciidamo ujeedkoodu yahay in la qaboojiyo colaadaha, isla markaana xal nabadeed laga gaaro colaadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here