Xog : Ergeyga Qaramada Midoobay oo Jubaland ku taageray ineey aado doorasho dadban.

0
38

Xogo lagu kalsoon yahay oo hada nagaso gaaray Kismaayo aya ino xaqiijiyay in kulankii u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo James Swan uu kusoo idlaaday is af-garad.

Madobe aya garnaqsaday kuna dooday in uusan diidaneyn doorasho qof & cod ah, balse jadwalki la sameeyay May 2023 aysan hal qodob ka hir-galin, guddi doorasho xita aan wali la magacaabin, isla markaasna uusan sugi karin doorasho aan hirgaleyn, Jubaland-na xaq u leedahay doorashadeeda iyo maamulkeeda.

James Swan aya dhaniiksa ka xariiqay in ay doorkooda ka qaadan doonaan si dowladda Federalka iyo Dawlad Goboleedyada ugawada shaqeyn lahaayeen doorasho loo dhan-yahay sanadka 2026, balse Doorashooyinka Dowlad Goboledyada ay xaq u leeyihin maamulada, beesha caalamkana ku taagereyso in sharciyad cusub maamuladu helaan maadama intooda badan sharciyadi kaso idlaatay.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi isla markaana madaxweyne Axmed Madoobe uu dhowaan isaga baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khilaaf cusub oo ka dhex-qarxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here