Home WARARKA Xuutiyiinta Yemen oo la ogaaday inay Daacishta Soomaaliya ka caawiyeen dhinacyada sirdoonka

Xuutiyiinta Yemen oo la ogaaday inay Daacishta Soomaaliya ka caawiyeen dhinacyada sirdoonka

17
0

Machadka West Point oo laga leeyahay dalka  Mareykanka ayaa soo saaray warbixin cusub oo sheegaysa in khataraha argagixisada ay aad uga sii kordhayaan Afrika, isla markaana la helay caddeymo muujinaya in Xuutiyiinta Yemen ay wada-shaqayn la sameeyeen kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegaysaa in  ururka Daacish ay Xuutiiyiinta ka heleen tababaro ku saabsan  dhinacyada sirdoonka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo tababarada farsamada, kuwaas oo ka caawisay kooxda Daacish dagaalka ay kula jiraan Puntland oo socda muddo sanad ah, islamarkaasna aan weli lagu guulaysan in lasoo afjaro.

Kooxda Daacish, ayaa intii lagu jiray bilowgii dagaalada Calmiskaad waxay si aad ah u isticmaali jireen diyaarado yaryar oo aan duuliyaha lahayn oo ay qaraxyo ku rakiban yihiin, kuwaas oo dhowr jeer khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur u geysteen ciidanka Puntland iyo gaadiidkooda dagaalka.

Sidoo kale, Daacish ayaa diyaaradahan dhinaca kale u adeegsanaysay in lagu basaaso goobaha ciidamada ku sugan yihiin. Tani waxay caddeysay intii dagaalka lagu jiray, in sida Daacish ay lahayd farsamooyin casri ah oo dagaal, iyadoo adeegsanaysay tiknoolajiyada casriga ah si ay u kordhiso khatarta iyo awoodda weerarkooda.

Bartamihii sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka digay in kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, Al-Qaacida, ISIS iyo Xuutiyiinta ay sameynayaan iskaashi qarsoodi ah, taasoo khatar ku ah amniga Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, iyo guud ahaan gobolka.

Taliyaha AFRICOM, Gen. Dagvin Anderson, oo dhawaan booqday Ethiopia, Somaliland, iyo Puntland, ayaa dhankooda xaqiijiyay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay amniga Geeska Afrika iyo in la xoojiyo iskaashiga amniga Soomaaliya.

Gen. Dagvin Anderson, ayaa sheegay inay doonayaan inay xoojiyaan iskaashiga amniga si loo yareeyo khataraha wadajirka ah ee ka jira Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here