Home WARARKA Qandaraasyada Visaha oo Hoos u Dhac ku Riday Qiimaha Baasaboorka soomaaliga.

Qandaraasyada Visaha oo Hoos u Dhac ku Riday Qiimaha Baasaboorka soomaaliga.

19
0

Maanta waxaa si rasmi ah loo daahfuray xafiis cusub oo gaar loo leeyahay oo loo xiray dal ku galka Masar, kaas oo ku qaadanaya $250 visa dal ku galka, halka adeeggaasi hore uga ahaa $110 oo sedex maalmood lagu heli jiray. Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhowaan sidoo kale lagu wareejiyay shirkado gaar ah visaha Kenya iyo Uganda, kuwaas oo si toos ah u kordhiyay qarashaadka ay bixinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Visaha Kenya oo shacabku si jaban ku dalban jireen $100–110, maanta waxaa loo qasbay shirkad gaar loo leeyahay oo muddadaas isla adeegga ku qaadanaysa $250. Sidoo kale, Uganda oo shirkadaha safarka ee hore u qaban jireen visaha $150, ayaa hadda si lamid ah loogu xiray shirkad kale, iyadoo qiimaha lagu qaadayana la gaarsiiyay $250.

Arrintan ayaa si weyn u saameysay muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa safarka ganacsiga iyo daawashada u socda, iyo shirkadaha Travel Agencies ee dalka oo ku jira xaalad dhaqaale oo hoos u dhac ah. Waxaa muuqata in maamulka socdaalka iyo hay’adaha amniga ay si isa soo taraysa u qorayaan qandaraasyo gaara oo aan la caddeyn sababtooda, taas oo hoos u sii ridaysa sumcaddii baasaboorka Soomaaliya.

Shirkadda Prime Visa oo loo xiray dal ku galka Masar ayaa sheegtay in adeegga visaha Masar uu adkaa oo dadka lagu qasbi jiray inay isaga u safraan Kenya. Balse xogaha jira iyo bulshada isticmaasha adeeggan ayaa si cad u beeniyay in arrintaasi aanay run ahayn, isla markaana adeeggu uu hore u shaqeyn jiray si caadi ah ( Nuwaafaqo) sedex beri iyo qiimo jaban,

Waxaa muuqata in qiimo aad u hooseeya oo adeeggu hore u lahaa—$35–$110—lagu beddelay lacag aan caddaalad ahayn oo gaaraysa $250, taas oo noqotay kabniin iyo cadaadis dhaqaale oo lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hoos u dhaca baasaboorka Soomaaliya ma aha mid ay sababaan dalalka kale, balse waxaa masuul ka ah siyaasadaha cagsiga ku socda ee hay’adda socdaalka oo xorriyaddii safarka ka qaaday shacabka, kuna qasabtay inay adeegsanayaan shirkado gaar ah oo adeegyada kororsada qiimo aan sinnaan lahayn.

Kororkaan dhaqaale iyo shirkadaha waxa soo kordheen kadib hishiisyada hay’adda socdaalka iyo wasaarada gudaha lasoo galeen dowladaasi, taasoo ka dhigan iney kusoo qanciyeen in soomaalida loo cabiidiyo sigaarana loo dul saaro dhaqaale adag, waxana cadaynaya in dalalkaasi lacago isku mida la qadaan dadka baasaboorada kala duwan wata ee aduunka uga imanayo,

Shacabka arinkaa aragti kama lahan,
Kenya 🇰🇪 $100–$250
Uganda 🇺🇬 $150-$250
Masar 🇪🇬 $110-$250

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here