Farmaajo oo ku dhaliilay madaxda dowladda in wada hadaladii NCC ay burbureen, kuna baaqay in dib loogu laabto hannaanka dastuurka.

0
8

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa eedeyn u jeediyay madaxda dowladda Federaalka ee hadda jirta kadib burburkii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo natiijo la’aan ku dhamaaday muddo labo toddobaad ah oo wadahadallo uga socday magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed uu soo saaray Arbacadii, ayuu Farmaajo ku muujiyay niyad jab, isagoo sheegay in fashilka ku yimid kulanka uu sii xumeeyay kala qeybsanaan, iyo jahwareer, iyo in shacabka Soomaaliyeed uu mugdi ku jiro.

Waxa uu sheegay in dib u dhacyadaasi ay sabab u tahay dowlad goboleedyada oo laga hor istaagay in ay doorasho qabtaan kadib markii uu dhamaaday waqtigoodii dastuuriga ahaa, laalista dastuurka, iyo sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo doonaya in uu talada dalka ku sii hayo qaab aan sharci aheyn.

“Fashilka kulankaan wuxuu niyad jab ku keenayaa oo kala qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna dalka ka dhigayaa xaalad jahwareer iyo hubanti la’aan,” ayuu yiri Farmaajo. Waxa uu ugu baaqay dowladda in ay dib ugu soo laabato “Sharciga iyo Dowladnimada” oo ay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo uu aaminsan yahay in uu muhiim u yahay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya.

Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in natiijo la’aanta shirka NCC ee sii kala fogeysay madaxda dowlad goboleedyada ay cawaaqib xumo ku yeelan doonto mustaqbalka siyaasadda iyo dowladnimada dalka.

“Xildhibaanada Federaalka waxaan ka codsaneynaa in ay u istaagaan sidii dalka loo samata bixin lahaa, isla markaana ay u xaqiijin lahaayeen badbaadinta dowladnimadeena”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in mas’uuliyadda ka saaran hirgelinta doorashooyinka dalka, dhismaha guddiyada iyo dhameystirka dib u eegista dastuurka ay tahay waajib wadareed oo ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda iyo madaxda siyaasadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Waxa uu ka digay in aan cidna loo ogolaan in ay ku mashquusho dano gaar ahaaneed.

Shirka NCC oo bilowday 2-dii Oktoobar 2024, ayaa ujeedkiisu ahaa in looga hadlo arrimaha muhiimka ah ee qaranka. Si kastaba ha ahaatee, ka bixista Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadacaadda joogtada ah ee ku aadanaa in aan laga maarmi karin ayaa sii fogeysay wada-hadallada, taasoo keentay in jawiga siyaasadeed uu kacsan yahay oo aan la hubin.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday in wada-hadallada madaxda u harsan ay sii socon doonaan, isla markaana uu shirku dib u furmi doono 26-ka bishan October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here