Ciidamada dowladda Soomaaliya oo fashiliyay weerar A-lshabaab ay ku qaadeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.

0
11

Dagaal xooggan ayaa xalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Xudur ee gobolka Bakool sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20 KM u jira degmada Xudur.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaa la xaqiijiyay in hal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu ku dhintay, Al-shabaabna la gaarsiiyay khasaare xooggan, iyadoo qaar ka mid ah kooxdaasi gacanta lagu dhigay, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

War kooban oo lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen weerarka, islamarkaana hadda ay ku sugan yihiin goobtii lagu dagaalamay oo ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladda deegaankaasi ay haatan tahay mid degan, waxaana ciidamada ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida degmadaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku sugan gobolada Bakool iyo Baay.

Wada shaqeyn naadir ah oo dhexmarta ciidamada dowladda federaalka, kuwa gobolka, hay’adaha amniga caalamiga ah iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa gacan ka geystay in laga soo saaro guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray dagaalyahannada Al-Shabaab iyadoo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda, waxaana weli socda howlgallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here