Itoobiya oo xukun ku ridday 60 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay dagaal ka dhacay xadka.

0
11

Dowladda Itoobiya ayaa 60 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab waxay ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 2.5 sano ilaa 18 sano kaddib markii lagu soo qabtay dagaallo ay la galeen ciidamada Itoobiya.

Maleeshiyada ayaa la qabtay labo sano ka hor kadib markii ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Itoobiya, halkaasi oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida.

Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka Itoobiya, kooxdan ayaa qorshaynaysay inay saldhig ka samaystaan ​​deegaanka Soomaalida, iyagoo ka faa’iidaysanayay habacsanaanta amni ee gobolka.

Dadka la xukumay ayaa waxaa ka mid ah labo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu xukumay xabsi daa’in. Shaqsiyaadka soo haray waxaa la siiyay xabsiyo kala duwan oo ku saleysan heerka ay ku lug lahaayeen. Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa maleeshiyaadkan ku soo qabtay howlgal ay bishii July 2022 ka fuliyeen gobolka Afdheer.

Booliska Federaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay socdaan baaritaano ku aadan lix kiis oo kale kuwaas oo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab 95 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here