Xubnaha Guddiga Warfaafinta,Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa Guddoomiyaha Guddiga u doortay Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud, iyagoo Xoghayaha Guddiga u doortay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow.
Kulanka ayaa sidoo waxaa Goobjoog ahaa Habdhowre kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.