Howlgal ka dhacay gobolka Mudug.

0
4
Howlgal ka dhacay gobolka Mudug.
Howlgal ka dhacay gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada Camaara ee gobolka Mudug howlgalkaasi oo ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday guri uu Camaara ka deganaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegy Ismaaciil Beerdile kaas oo kooxda ugu magacaawnaa Maxkamadda Galgaduud.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya waxaa howlgalkan lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyada oo sidoo kale laga soo furtay hubkooda.

Xaaladda ayaa weli kacsan waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan haatan laga dareemayaa aagga deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here