Ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose.

0
10

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa shalay lagu soo warramayaa in ay meesha ka saareen horjoogihii Al-Shabaab ee caanka ahaa Goobe.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow ‘Goobe’ iyo ilaaladiisa ayaa shalay waxaa dilay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland kadib howlgalo qorsheysan oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Goobe ayaa la sheegay in uu ahaa khabiir dhanka qaraxyada ah oo dadka deegaanka ay ku sheegeen in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyo badan oo ka dhacay gobolka, gaar ahaan qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso wadada dhinaceeda.

Howlgallada ka dhanka ah “AS” ayaa sii xoogeystay, waxaana ciidamada dowladdu ay guulo ka sheegteen howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka, waxayna ballan qaadeen in ay xoreyn doonaan deegaannada ay weli harsan yihiin.

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada gobolka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa ku celceliyay in ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta shacabka iyo soo celinta dowladnimada gobollada laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here