Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa booqday goobo taariikhi ah oo ay ka mid tahay booqasho uu ku tagay wax ay dowladda Itoobiya ku tilmaantay ciidamada badda.
Sawirro laga soo qaaday socdaalka ayaa muujinayay madaxweyne Maxamuud oo salaan sharaf ka qaatay askar ku labisan dareeska cad, oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ciidamada badda ee Itoobiya, inkastoo uusan dalku lahayn xeeb.
Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan awoodda badda ayaa lala xiriiriyay hammigeeda taariikheed ee badda, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.
Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa xus loo sameeyay askartii ku geeriyootay dagaaladii 1977-kii ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo wafdigan ay ubaxyo dhigeen xus loo sameeyay dadkii ku dhintay colaadda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay dalka Itoobiya, kaddib wada hadal uu la yeeshay Abiy Axmed oo lagu soo afjaray xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal.