Home WARARKA Sarkaal katirsan ciidanka Xoogga oo ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay...

Sarkaal katirsan ciidanka Xoogga oo ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay Shabeelaha Hoose

13
0

Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ku magac dheeraa Sandhiiqo kana mid ah saraakiisha da’da yar ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku dhintay Qarax la sheegay in uu noociisu ahaa Miino oo ku haleelay Deegaanka Nambar 50 Gobolka Shabeelaha Hoose, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Sarkaalkaan waxaa uu kamid ahaa Dhallinyaro ku tababaray Xerada TURKSOM ee Magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegaya in miinadu haleeshay isaga oo dhaawac kasoo gaaray muddo kooban kaddib u dhintay sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxa uu qayb ka ahaa howlgallada lagu xaqiijinayo amniga waddada isku xirta Afgooye iyo Marka, waxa uu kulamo kala duwan la qaatay ciidanka Federaalka, kuwo deegaanka ah iyo askarta Midowga Afrika ee AUSSOM si amniga loo xoojiyo.

Weli ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo lagu faahfaahiyay qaraxa sarkaalkaan uu ku dhintay, waxaa dhinaca kale socda howlgallo ay wadaan ciidamada Dowladda ee ka dhow aagga Nambar 50.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here