Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Dhiggiisa Kenya William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in kulan saddex geesood ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi.
Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka saddexdaan dal ee xuduud wadaagga ah, Amniga, Mustaqbalka ciidamada jooga Soomaaliya iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaan ka qabsoomaya Magaalada Nairobi.
Kahor kulankaan waxa ay Xasan Sheekh, William Ruto iyo Abiy Ahmed yeelan doonnaan kulamo gaar gaar ah oo ay uga wada hadlayaan xaaladaha soo kordhay iyo ujeedka shirkaan loo qabanayo oo ugu danbayn gudagalaya wadahadalkooda.
Shirkaan ayaa marka uu soo dhammaado kaddib waxaa lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed ka tarjumaya qodobada muhiimka ah.



