Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed khadka taleefanka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qadar, Shiikh Tamiim Binu Xamad.
Qoraal ka soo baxay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh la wadaagay Amiirka Qadar in Dowladda Federaalka ay wajaheyso qorsheyaal halis ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya.
Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.
Saacadihii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo la yeelanaya Madaxda caalamka, isagoo kala hadlaya sidii loo baab’in lahaa Aqoonsiga ay ISL la saxiixatay Somaliland.



