Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalinta Isniinta yeelanaya kulan degdeg ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ugu aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda diblomaasiyadeed ay cirka isku shareertay, maalmo un ka hor inta aysan Soomaaliya si rasmi ah ula wareegin madaxtinimada wareegta ee Golaha.
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa Sabtidii xaqiijiyay qabsoomidda kulanka, isagoo sheegay in diiradda lagu saari doono cawaaqibka siyaasadeed ee tallaabadan, taas oo dhelisay cambaareyn kulul oo uga timid Muqdisho iyo quwadaha gobolka ee muhiimka ah.
“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu yeelan doonaa kulan degdeg ah Isniinta, kaddib aqoonsigii Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu Danon ku soo qoray bartiisa X.
“Kama gaban doonno doodaha siyaasadeed. Israa’iil waxay sii wadi doontaa inay u dhaqanto si mas’uuliyad iyo taxadar leh, si loo xoojiyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibada gacan ka geysta xasilloonida gobolka.”
Kulankan degdegga ah ayaa khilaafka si toos ah u hor dhigaya hay’adda ugu sarreysa diblomaasiyadda adduunka, halkaas oo la filayo in Soomaaliya ay si adag uga hortagto tallaabada Israa’iil, isla markaana ay dalbato in dib loo xaqiijiyo qaraarada soo jireenka ah ee Qaramada Midoobay ee dhowraya midnimada dhuleed ee dalalka.
Waqti xasaasi ah
Xilliga kulankani kusoo beegmay ayaa ah mid xasaasi ah. 1-da Janaayo 2026, Soomaaliya ayaa la wareegi doonta madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.
Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku maamusho kulamada, ajendayaasha, iyo bayaannada, taas oo u sahlaysa inay arrintan ka dhigto mid safka hore kaga jirta doodaha caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay “waxba kama jiraan” (null and void), iyadoo ku adkeysaneysa in gobolkaasi uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Soomaaliya.



