Soomaaliya oo xiriir dhaqaale oo qoto-dheer la leh Jarmalka shir-madaxeedka Washington.

0
4

Kulan muhiim ah oo barbar socday shirarka sannadlaha ah ee ka socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Cige iyo wasiiru-dawlaha Jarmalka u qaabilsan Yurub Neils Annen waxa ay kaga wadahadleen iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhaqaalaha iyo halka uu marayo mustaqbalka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wada-hadalladan oo uu Wasiir Biixi ku tilmaamay mid wax-soo-saar leh, ayaa lagu lafo-guray dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya ee hamiga leh, kaas oo ujeeddadiisu tahay xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka. Wadahadallada ayaa hoosta ka xarriiqay suurtagalnimada in la wanaajiyo xiriirka laba geesoodka ah oo keeni kara horumar waara oo aan ku koobneyn Soomaaliya oo keliya balse Geeska Afrika oo dhan.

Wasiir Biixi waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay sii wadida iskaashiga Jarmalka. “Jarmalka waxa uu ahaa, welina sii ahaanayaa, xulafada muhiimka ah ee dadaalkayaga dib-u-dhiska iyo xoojinta aasaaskayaga dhaqaale,” ayuu yidhi. Wadahadallada ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi, cafinta daymaha, iyo tayaynta, iyadoo labada wasiir ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsiga iyo farsamada.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay dooneyso in ay ka faa’ideysato taageerada caalamiga ah si ay uga gudubto tobanaan sano oo qalalaase dhaqaale iyo caqabado amni. La shaqaynta Jarmalka ayaa loo arkaa inay qayb ka tahay dadaal dublamaasiyadeed oo ballaadhan oo lagu xaqiijinayo xasilloonida dhaqaalaha iyo dhiirigelinta maalgashiga shisheeye.

“Taageerada Jarmalku waa mid aad u qiimo badan marka aan ku guda jirno caqabadaha dhaqaale iyo in aan ku dadaalno xasilloonida iyo kobaca,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir Biixi, isagoo muujiyay muhiimadda ay xulafada caalamiga ah u leeyihiin socdaalka horumarineed ee Soomaaliya.

Natiijada kulankaan ayaa la filayaa in ay u gogol xaarto wadashaqeyn dheeri ah, lagana yaabo in ay tusaale u noqoto iskaashiga kale ee caalamiga ah ee looga gol leeyahay in lagu kobciyo barwaaqada dhaqaalaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here