Home WARARKA Guddoomiye Muungaab oo sheegay in sanadka 2026 aanay Muqdisho lagu arki doonnin...

Guddoomiye Muungaab oo sheegay in sanadka 2026 aanay Muqdisho lagu arki doonnin Waddooyin Burbursan

8
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo furay Waddada Nasiib buundo Degmada Shibis oo dib u dhis lagu sameeyay ayaa ballanqaaday in sanadka saacadaha ka dhiman yahay ee 2026 aanay Caasimadda lagu arki doonnin Waddooyin Burbursan.

Muungaab ayaa tilmaamay in Waajibka saaran Dowladda Hoose sida dib u dhiska waddooyinka, hagaajinta nadaafaddooda iyo intii kale ee itaalkooda ah ay qaadanayaan, waxa uu Shacabka ka codsaday in ay doorkooda ka qaataan.

Shirkadaha dhisaya waddooyinka ayuu xusay in ay ku heshiiyeen wixii kusoo baxa ay qaadanayaan mas’uuliyadda dib u hagaajinta, wax weliba oo dhibaato ku ahna looga baahan yahay in dadka deegaanka ay iska kaashadaan.

“Sanadka cusub ee 2026-ka Muqdisho laguma arki doono laami burbursan iyo waddo bacaad ah, hadafkeennu waa Muqdisho oo dhisan oo amni ah oo kaabayaal dhaqaale leh oo wax weliba u dhammaystiran yihiin haddii alle Idmo” ayuu yiri, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Jaranaal Muungaab  ayaa sheegay in sanadka 2026 loo gudbayo dhismaha Waddooyinka Soddonka, Warshadaha iyo laamiga laga hirgelinayo Jamhuuriya oo katirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here