Home WARARKA Jabaabtii Madaxweyne xasan sheikh ka sugaayay xildhibaanada Somaliland maxay noqotay

Jabaabtii Madaxweyne xasan sheikh ka sugaayay xildhibaanada Somaliland maxay noqotay

5
0

27-kii bishan, madaxweyne Xassan Sh ayaa ka dalbaday xildhibaanada in ay mowqifkooda cadeeyaan oo ay dawladda la garab noqdaan, oo diidaan aqoonsiga ISR|L.

Xildhibaanadii waa hadleen maanta, waliba Gudoomiyayaal maxkamad sare, wasiiro ilaa Ra’iisulwasaare kuxigeen, Si aan qarsoodi aheyn ayay bareerahooda u cadeyeen 4 qodob aan eegno.

1- DAWLADNIMADA SOOMAALIYA: Koonfur & Waqooyi!

Madaxweynuhu, wuxuu sugayay in xildhibaanadu dawladda Faderaalka aqbalaan oo ay hambalyeeyaan, hayeeshee waxay uga jawaabeen in Somaliland & Soomaaliya ay yihiin 2 dawladood oo heshiiyey 1960-kii, 1991kii Somaliland ka laabatay Midowgii, wada hadalna ay tahay in lagu raadiyo.

“Labo dawladood oo siman ayaa lagu midoobay, 2 dawladood wax haloo qeybsado, Haddii la waayo dadkeena la jirnaa” ayay si buuxda u dhaheen.

2- CAMBAAREYN LAGA SUGAYEY!

Waxay uga jawaabeen in ay si cad u sheegaan in Somaliland xaq u leedahay aayaheeda, wadajirkeeda iyo xariiradeeda, waxay ku hanjabeen in “Khilaafka siyaasiga ah ee la diimeynayo la joojiyo” tani waa fariin cad oo ah in ficil kasta oo Argagixiso oo dhaca uu yahay mid dawladda Soomaaliya ka dambeyso, waa halis weyn.

3- MIDNIMO ILAALIYA!

Madaxweynuhu wuxuu ka sugayay in ay taageeraan dadaalkiisa Midnimo adkeynta, laakiin jawaabtii waxay noqotay.

“Dawladda Faderaalka waa in ay ka baaqsataa talaabooyin taabanaya dhaqaalaha, amniga & safarka dadka Somaliland jooga, maadaama aan xoog lagu qasbi karin Midnimo” tani waa jawaab waafi ah oo ah cidna waxba kama qaadi kartid.

4- DOODII ISR|L waa xoojiyeen!

Diblumaasigii ISR|L ee haben kahor ka hadlayay golaha Ammaanka, wuxuu ku dooday in dadka deegaanadaas la xasuuqay, Diblumaasigii Soomaaliyana waa diiday, Xildhibaanadu waxay awood galiyeen tii Safiirka Telaviv, waxay si cad u sheegeen in Inkiraada Taariikhda, wixii dhacay & Gaboodfaladii ay dambi tahay oo laga baaqsado.

UGU DAMBEYN: Xildhibaanadii madaxweyne Xassan Sh ka sugayay jawaabta ah Midnimo Ilaalin & In ay Somaliland cambaareeyaan waa hadleen, waxayna la dareen noqdeen dooda Somaliland oo ay waliba si adag usoo xigteen doodaha SL geyso fagaarayaasha lagu wada hadlayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here