SSC Khaatumo Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Soo Weerartay Saldhigyo Ciidan Oo Ku Yaala Degmada Buuhoodle.

0
4

Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland Jimcihii inay weerar abaabulan ku soo qaadeen fadhiisimo ciidan oo ay ku leeyihiin degmada Buuhoodle, taasoo sii kordhisay xiisadda colaadeed ee soo cusboonaatay.

War-saxaafadeedka ay SSC Khaatumo soo saartay ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan iyo dad reer guuraa ah oo ku sugnaa deegaankaas, taasoo keentay iska hor imaad xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

“Madaxda SSC Khaatumo waxa ay cambaareynayaan weerarkaas oo ay ku tilmaameen mid argagaxiso oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo nabad galyada deegaanada SSC Khaatumo, weerarkan gardarada ah ee aan loo meel dayin waxa uu muujinayaa xasilooni darada, waxaana naga go’an in aan difaacno dhulkayaga, umana dulqaadan doono weeraradan lagu hayo shacabkayaga. “ayaa lagu yiri qoraalka.

Maamulka cusub ee SSC ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay wax ka qabtaan arrimahan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo wada hadlo, isla markaana si degdeg ah loo joojiyo colaadda si loo badbaadiyo shacabka, loogana hortago colaad kale.

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland oo ay xoojiyeen maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada SSC-Khaatumo ayaa maalintii Khamiista iyo Jimcihii ka dhacay deegaanada Shangeed iyo Qorilugud oo Buuhoodle u dhow, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare laxaad leh oo soo kala gaadhay labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here