Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA oo shaacisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay 27-dagaalyahan.

0
25

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa ka warbixisay hawlgal qorsheysan oo Ururka Al Shabaab lagula eegtay Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Yaaqle oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu faah faahiyay howlgalka oo socday muddo 12 saacadood ah, waxaana lagu guuleystay in la soo afjaro 27-ka xubnood ee kooxdaasi.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgallada adag lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay isticmaalayeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ay ku jiraan agabka ciidamada. Sahay dheeri ah oo ay wateen dagaalyahanada Alshabaab ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in lagu soo qabtay howlgalada qorsheysan.

NISA ayaa xaqiijisay in la gaaray ujeedooyinkii ugu horeeyay ee howlgalka, taasi oo lagu carqaladeeyay joogitaanka Al-Shabaab iyo dhaq dhaqaaqii ay ka wadeen deegaankaasi. Warka ka soo baxay hay’adda ayaa lagu xusay in dadaallada socda ay yihiin sidii loo xasilin lahaa gobolka loogana hortagi lahaa weeraro kale oo ay kooxdaasi geystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here