Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in musuq-maasuq ballaaran oo lagu eedeeyay dad Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota uu aad uga weynaan karo inta ay baarayaashu hadda heleen.
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in warbixinaha la hayo ay muujinayaan $19 bilyan oo la dhacay, balse lacagta dhabta ah ay gaari karto ilaa $50 bilyan, maaddaama inta la ogaado ay ka yar tahay waxa dhab ahaan dhacay.
Trump wuxuu hadalladan u sheegay wariyeyaasha isagoo saarnaa diyaarad Air Force One, xilli uu ku soo laabanayay Washington, D.C., kaddib fasaxyadii Kirismaska iyo Sannadka Cusub ee uu ku qaatay Mar-a-Lago.
Wuxuu yiri marka la yiraahdo $19 bilyan, badanaa taasi waxay ka dhigan tahay in tirada dhabta ah ay ka sii weyn tahay, isla markaana uu ku tilmaamay tirooyin aad u waaweyn oo aan caadi ahayn.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ku lugta leh musuq-maasuqa ay si toos ah uga xadeen canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, isla markaana ay tahay in tallaabo adag laga qaado. Wuxuu ku baaqay in dhammaan dadka falalkaas ku lugta leh laga masaafuriyo dalka Mareykanka.
Trump wuxuu sidoo kale si gaar ah u weeraray xildhibaanadda Dimuqraadiga ah ee Minnesota, Ilhan Omar, isagoo ku eedeeyay inay qayb ka tahay musuq-maasuqaas, kana mid tahay dadka hoggaaminaya. Hadalkiisa ayuu ku sheegay inay tahay qof musuq sameeya.
Ugu dambeyn, Trump wuxuu caddeeyay in dowladda Mareykanka aysan mar dambe bixin doonin lacagahaas, isagoo sheegay in âwaqtigii lacagta si fudud loo qaadan jiray uu dhammaaday. Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan lacag siin doonin dadkan, isla markaana aysan sii bixin doonin lacago loo diro gobollo ay ka mid yihiin California iyo Illinois.



