Home WARARKA Wakiilka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo wajahaya cadaadis iyo baaris ka...

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo wajahaya cadaadis iyo baaris ka imanaysa dhinaca Maraykanka

14
0

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee dawladda Maraykanka Jim O’Nell ayaa xaqiijiyey in Wakiilka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay uu qayb ka yahay shirkad caafimaad oo ku taalla gobolka Ohio taas oo hadda ka hor lagu helay fadeexado la xidhiidha lunsiga lacagaha ka yimaadda dawladda Maraykanka. Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in ay soo wadaan faah faahin dheeraad ah oo ku wajahan eedaymaha dul hoganaya Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Abukar Baalle ayaa wajahaya cadaadis iyo baadhis ka imanaysa dhinaca Maraykanka tan iyo markii uu ka hor yimi aqoonsiga Somaliland iyada oo dhowaan uun ay ahayd markii maal qabeenka dunida ugu hodansan ee Elon Musk uu ku baaqay in la soo xidho Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay. Baadhitaanka hadda lagu haya ayaa ah mid ku wajahan lunsiga lacago uu ka helay dawladda Maraykanka taas oo la doonayo in maxkamad lagu soo taago.

Dad kala duwan ayaa ka hadlay arinta ku saabsan aqoonsiga soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here