Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland horumarka ay ka sameeyeen Daacish.

0
4
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland horumarka ay ka sameeyeen Daacish.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku bogaadiyay ciidamada Puntland horumarka ay ka sameeyeen Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay ciidamada daraawiishta Puntland howlgallada ciidan ee lagu burburinayo fariisimaha Daacish ee buuraleyda gobolka Bari.

Isagoo ka hadlayay Muqdisho Talaadadii, Ra’iisul Wasaare Barre ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa diyaar ugu tahay inay taageerto dadaallada Puntland ay ku dooneyso inay kaga adkaato Daacish. “Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan gargaar kasta oo lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo guullaha howlgallada Puntland ee ka dhanka ah Daacish,” ayuu yiri.

Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ayaa ku ammaantay shacabka Puntland sida ay u garab istaageen ciidamada ammaanka ee howlgalkaas sameeyay. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay qirteen naf-hurnimadii ay sameeyeen ciidamada Puntland, waxaana ay tacsi u dirtay ehelada askartii ka geeriyootay.

“Xukuumaddu waxa ay duco u diraysaa shuhadadii naftooda u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta. Waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed. Kooxaha Khawaarijta ah ee Daacish iyo Al-Shabaab waa cadaw siman oo Soomaaliya, waana inaan u midownaa sidii aan u ciribtiri lahayn,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidamada Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka sheegay weeraradii ugu dambeeyay ee ay ku qaadeen, kaasi oo khasaare badan lagu gaarsiiyay maleeshiyada Daacish. Isniintii, maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in la dilay dhowr dagaalyahan oo Daacish ah, islamarkaana lagala wareegay 8 fariisin oo argagixisadu ay ku lahaayeen howlgallada ka socda buuraha Cal-Miskaat ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here