Taliska Militariga Soomaaliya iyo Howlgalka AUSSOM oo kawada hadlay Dhisidda Xarumaha Isku Duwista Hawlgallada.

0
4

Taliyaha Qaybta 4-aad ee howlgalka cusub AUSSOM Gaashaanle Sare Said Waberi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku kulmay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyagoo kawada hadlay dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagexisada.

Kulankoodi intii uu socday waxa ay soo hadal qaadeen dhisidda Xarumaha Wadajirka ah ee Isku Duwista Hawlgallada si ay u wadaagaan sirdoonka una xoojiyaan dadaallada ka dhanka ah argagaxisada.

S/Gaas Odawaa ayaa ka mahadceliyay doorka AUSSOM ee deegaannada looga xorraynayo Al-Shabaab, wuxuuna carrabka ku adkeeyay ahmiyadda iskaashigooda dhow.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Ku xigeenka Taliyaha Qaybta 4-aad ee AUSSOM Gaashaanle Sare Shumet Telelew, Taliyaha Guutada Ciidanka Jabuuti ee AUSSOM, Gaashaanle Sare Mohamed Ahmed Yussuf, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo AUSSOM.

Howlgalkaan cusub ee sanadkaan ka dhaqan galaya Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan la filayaa inay kusoo biiraan ciidamada ka socda dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here