Masar oo xoojisay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

0
4

Masar ayaa xoojisay dadaalkeeda diblumaasiyadeed si ay ugu biirto howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, kaas oo bilaaban doona horaanta sanadka soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Uganda, isagoo la kulmay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen iskaashiga gobolka iyo doorka Masar ay ku yeelan karto howlgalka la doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.

Intii uu socday wadahadalkooda, Madaxweyne Museveni waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Uganda inay taageerto howlgalka cusub, isagoo muujiyay sida dalkiisu uu diyaar ugu yahay inuu sii wado ku-deeqidda ciidamada. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay go’aamiso qaab dhismeedka howlgalka iyo xulista wadamada ka qeyb galaya, isaga oo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay dadaalka joogtada ah ee Masar ay ka geysaneyso dadaallada nabad ilaalinta ee Afrika oo dhan, isagoo xusay in wadashaqeyn dhow oo lala yeesho Uganda ay xoojin karto dadaallada nabadda ee Soomaaliya. Waxa uu carabka ku dhuftay in howlgalka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka oo dhan.

Wasiir Abdelatty, ayaa wada hadaladiisa ka dib sheegay in labada dal ee Uganda iyo Masar ay ka go’an tahay inay taageeraan AUSSOM iyo ammaanka Soomaaliya ee mustaqbalka fog. Wuxuu kalsooni ka muujiyay in iskaashiga labada dal uu xoojinayo dadaallada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in la bilaabo horraanta sanadka 2025, howlgalka AUSSOM waxaa la filayaa in uu ka mid noqdo isbaheysiga quruumaha Afrikaanka ah oo u heellan sidii ay u heli lahaayeen nabad waarta iyo taageeridda hannaanka dib u dhiska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here