Home WARARKA Wadooyinka Muqdisho oo saakay oo Jimca ah xiran

Wadooyinka Muqdisho oo saakay oo Jimca ah xiran

7
0

Shacabka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee magaalada waxaana wararka sheegaan in Muqdisho ay imaanayaan madax ka socoto shiinaha.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe xiray wadada Maka Al-mukarama, waxaana loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo Mootada Bajaajta, xitaa shacabka ayaa mararka aanan loo ogolaaneyn in ay lugtooda u maraan.

Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo korortay.

“Wallaahi hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho dhib badan ayaan ku qabnaa, ujeedo iyo ka jeedo la’aan wadooyinka waala iska xiraa, sidaasi xal ma ahan, Dowladda hala timaado qorshe cad.” Ayuu yiri mid ah shacabka ku nool Muqdisho.

Dad badan oo lugeynayo ayaad ku arkeysaa waddoyinka qaar ee Muqdisho, iyaga oo ka walwalsan xaaladda ka jirta magaalada muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here