Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wada in saacadaha soo socda ee maanta soo gaaraan wajahan Magaalada Muqdisho.
Diyaar garowga soo dhaweyn balaaran oo loogu jiro imaanshaha wafdigaan ayaa si weyn looga dareemaya gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay waxaana xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah oo lasoo dhoobay ciidamo aad u badan oo sugaya amniga Caasimadda.
Wafdigan heerka sare ah ayaa la filaya marka uu Magaalada Muqdisho soo gaaro iney la kulmaan madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ay kawada hadli doonaan arrimo la xariira Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ka dhiidhinta xadgudubka dhuleed iyo arrimo kale.
Warar lagu kalsoonan karo ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi uu saxiixi doono heshiisyo cusub oo ay la galayso Xukuumadda Beijing dhiggeeda Muqdisho, islamarkaana sidoo kale labada dhinac ay dardargelin doonaan heshiisyo hore.
Shiinaha waxuu ka mid yahay dalalka safka hore kasoo galay wadamada kahor yimid in la farageliyo Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladda Soomaaliya, dalkaan kursiga joogtada ah ka haysta Golaha amaanka ayaa soo jeediyay in arrimaha Soomaalida aan la faragelin.



