Socdaalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ee maanta lagu waday inuu ku yimaado Muqdisho ayaa dib u dhacay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu u baaqday arrimo Amni. booqashadiisana dib loo qorsheyn doono waqti dambe.
Illaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin si rasmi ah sababta baaqashada safarka, inkastoo uu jiray diyaargarow amni oo ay ka mid ahaayeen xiritaanka waddooyinka Muqdisho.
Shiinaha waxa uu ka mid yahay dalalka safka ka soo galay Waddamada ka hor yimid in la farageliyo Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dalkaan kursiga joogtada ah ka haysta Golaha ammaanka ayaa soo jeediyay in arrimaha Soomaalida aan la faragelin.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta wafdiga Shiinaha, waana sababta waaberigii hore ee saaka loogu xiray waddooyinka magaalada.
Wasiir Wang Yi ayaa socdaal ku maraya afar dal oo African ah, iyadoona Somaliya ay qayb ka tahay booqashada uu sanadka cusub ku bixinayo afartaasi dal.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Wasiirku uu booqan doono dalalka Itoobiya, Somaliya, Tanzania iyo Lesotho, inta u dhaxeyso 7-da illaa 12-ka bishan.
Ma cadda in Wasiirka uu si toos ah u baajiyay safarkiisii Somaliya iyo in uu ku iman doono, muddada ka harsan maalmaha la qorsheeyay ee safarkiisa Afrika.
Haddii Wang Yi uu maalmaha ina soo aaddan uu yimaado Somaliya ayaa waxay noqoneysaa safarkii ugu horreyay ee uu wasiir arrimo dibadeed Shiinuhu ku yimaado dalka, tan iyo sanadkii 1980-kii, waana xilli ay taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland.



