Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa bilowday inay daad gureyso agabka ciidan iyo shaqaalaha ka jooga gudaha Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay todobaadkii hore soo saartay go’aan culus oo lagu mamnuucay diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuul (cargo) ee ka imaanaya waddankaasi.
Arrintan ayaa daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.
Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay si rasmi ah go’aankeeda ula wadaagtay Imaaraadka Carabta, isla markaana uu hadda bilaabay inuu la baxo agabkiisa iyo shaqaalihii ka joogay gudaha dalka.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in ilaa 4 diyaaradood oo agab iyo rakaab qaadayo ay ka baxayaan Muqdisho, halka 6 kalena loo fasaxay in ay Boosaaso ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaalla halkaasi.
Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.



