Wafdiga Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya ayaa agab iyo qalab difaac oo muhiim ah gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) si kor loogu qaado awoodooda ololaha socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Munaasabadda xil wareejinta ah ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa isugu jirtay gaadiid dagaal, agabyo naf-badbaadin ah, agabka kaabayaasha dhaqaalaha iyo agab kale oo muhiim ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxaha nabad-diidka ah.
Qalabkan cusub oo ay ku jiraan baabuurta dagaalka ee loogu talagalay in lagu kordhiyo dhaq-dhaqaaqa ciidanka XDS, ayaa awood u siinaya ciidamada Soomaaliya in ay gaaraan deegaannada fog fog, gaadiidka shaqaalaha iyo agabka, ayna si degdeg ah uga jawaabaan khataraha amni ee dalka oo dhan. “Wareejintan, oo uu maalgeliyey Midowga Yurub, waxay ka dhigan tahay kaalmada dhameystiran ee Midowga Yurub uu u fidiyay Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri Mathieu Briens, ku xigeenka Agaasimaha Maamulka Afrika ee Adeegga Waxqabadka Dibadda ee Yurub (EEAS).
Taageerada Midowga Yurub waa qayb ka mid ah hindisaha gargaar ballaaran oo loogu talagalay in lagu horumariyo awoodda amniga Soomaaliya, iyada oo loo ballan qaaday 110 milyan oo Yuuro oo hoos timaada Xarunta Nabadda ee Yurub (EPF). Maalgelintan waxay sidoo kale xoojinaysaa Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM) ee Soomaaliya, kaas oo diiradda saaraya xoojinta awoodda XDS u leedahay inay si madax bannaan u maamusho amniga qaranka. “Taageerada Midowga Yurub ee ciidamadeena qalabka sida waxa ay ahayd mid aad u qiimo badan, maantana gaarsiinta ayaa sii xoojineysa awoodeena,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cumar oo dowladda Soomaaliya ku matalayay xafladda.
Midowga Yurub waxa uu sii wadaa bixinta agabka muhiimka ah iyo taageerada tababarka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isagoo dib u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya. Agabyada lagu bixiyo EPF, oo ay ku jiraan gargaarka aan dilaaga ahayn, ayaa door dhammaystiran ka ciyaara howlgalka EUTM ee horumarinta ciidamada difaaca Soomaaliya. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo Taliyaha Ciidamada EUTM Sarreeye Guuto Giuseppe Zizzari ayaa sidoo kale ka qeyb galay xil wareejinta, iyagoo ku nuux nuuxsaday sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay Soomaaliya mustaqbal amni iyo nabad ah.