COP29: Codsi ka yimid Bulshooyinka Cimiladu Saamaysay ee Soomaaliya.

0
3

Iyadoo COP29 uu ku soo wajahan yahay usbuuca soo socda magaalada Baku, Azerbaijan, dunidu waxay wajahday xiisadda cimilada ee sii kordhaysa iyo khasaaraha ba’an ee ay ku hayso bulshooyinka nugul ee Koonfurta Adduunka.

Amnesty International waxay ku boorinaysaa waddamada qaniga ah inay shirka ku sameeyaan ballan-qaadyo maaliyadeed oo la taaban karo, iyadoo isbeddelka cimiladu uu weli sii barakiciyo malaayiin Afrika oo dhan ah.

Kooxda saxafiyiinta ah ee ka socotay ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa indhahooda ku arkay saamaynta ba’an ee isbedalka cimiladu ku yeeshay miyiga koonfurta Soomaaliya.

Kooxdayadu waxay ku sugnaayeen goobta, iyagoo diiwaangelinaya dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey, gaar ahaan haweenka, carruurta, iyo dadka barakacay.

Gobolka Jubbada Hoose, tuulooyinka sida Abaq Bambala, Galool Yaryar, Gaaso, Hadaafow, iyo Xamareste ayaa noqday hoy ku meel gaar ah oo ay ku nool yihiin kumannaan ka soo cararay fatahaadihii dhowaan soo rogmaday, kuwaas oo ay uga sii dareen colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda.

People gather to receive water brought by a local NGO at Galool Yaryar village, west of Kismayo, Somalia.  | PHOTO @Cabdalleaxmed.

Muuqaalkan ayaa ah mid qalbi-jab ku ah: caruur nafaqo-xumo hayso, dad da’ ah oo harraad la il-daran, iyo hooyooyin quus ah oo aan awoodin inay quudiyaan dhallaankooda.

Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ayaa ku waayay xoolihii ay dhaqan jireen, iyadoo dalagyadii iyo xoolihii ay baabi’iyeen fatahaadda. Qaar badan oo ka mid ah bulshadan ayaa weli ka go’an gargaarkii ay u baahnaayeen, iyadoo ay ugu wacan tahay joogitaanka Al-Shabaab, taasoo sii xaddidaysa gargaarka bini’aadantinimo.

Nolol maalmeedku waa halgan loogu jiro waxyaabaha daruuriga ah sida biyo nadiif ah oo la cabbo iyo cunto ku filan. Dumarku si gaar ah bay u nugul yihiin, oo ay xaddidan yihiin helitaanka daryeel caafimaad, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah.

Qaar badan oo ka mid ah ayaa hadda magangalyo u raadsada xeryaha Kenya sida Dhadhaab, iyagoo rajo ka qaba gargaarka aysan guryahooda ka heli karin.

People gather to receive water brought by a local NGO at Galool Yaryar village, west of Kismayo, Somalia.

Iyadoo gargaarka degdega ah ee degdega ahi uu lama huraan yahay, xalal wakhti dheer ayaa loo baahan yahay si loo caawiyo bulshooyinkan cimiladu saamaysay inay dib u dhistaan. Kuwani waa dad markii hore isku filnaa, awoodna u lahaa in ay reerkooda wax u qabtaan.

Saxafiyiinta ahaan, waxaanu ku boorinaynaa hogaamiyayaasha caalamka iyo ururada gargaarka inay si degdeg ah oo go’aan leh u hawlgalaan. Dhibaatada cimiladu waa dhibaato bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay waxqabad degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here