Home WARARKA Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay awood u lahayn burinta heshiiska...

Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay awood u lahayn burinta heshiiska Dekeda Berbera

6
0

Somaliland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegatay in ay ku burisay dhammaan heshiisyadii lagula jiray Imaaraatka Carabta, oo uu ku jiro heshiiska DP World iyo Dekeda Berbera.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Berbera ay tahay qayb ka mid ah dhul madax-bannaan oo hoos yimaada Somaliland, isla markaana Soomaaliya aanay wax sharci, awood maamul, ama gacanta ku hayn midna ku lahayn.

“Dowladda Somaliland waxay si cad u diidaysaa sheegashadaas, Berberana waa dhul si buuxda uga tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya-na wax awood ah kuma laha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in Soomaaliya aanay dhinac ka ahayn, isla markaana aanay damaanad ka ahayn heshiisyada ay Somaliland la gashay dalalka ama hay’adaha kale. “Sidaa awgeed, Soomaaliya ma laha awood sharci ah oo ay ku joojin karto, ku beddeli karto, ama ku faragelin karto heshiisyadaas.”

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, isla markaana ay ogolaadeen hay’adaha dastuuriga ah ee Somaliland, ujeeddadooduna tahay horumarinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka.

Somaliland ayaa uga mahadcelisay Imaaraadka Carabta, gaar ahaan hoggaankiisa Madaxweyne Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, “doorkii muuqday ee ay ka qaateen nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Ugu dambayn, Somaliland waxay sheegtay inay tahay dal mas’uul ah oo ku dhaqma ixtiraam, is-faragelin la’aan, iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana sii wadaya iskaashiga saaxiibbadiisa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here