Home WARARKA Imaaraadka oo agabkiisa militari kala baxay Muqdisho kadib maalmo lagu murunsanaa

Imaaraadka oo agabkiisa militari kala baxay Muqdisho kadib maalmo lagu murunsanaa

18
0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa billowday inay qalab iyo agab militari kala baxdo Soomaaliya, iyadoo saddex diyaaradood oo xamuul ah oo sida agabka dowladdaas ay Khamiistii ka duuleen Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo la socda hawlgalkan.

Duulimaadyadan ayaa billow u ah tallaabo ballaaran oo Imaaraadku ku raranayo qalabkiisa caasimadda, kadib markii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Isniintii laaleen heshiisyadii amni iyo kuwa difaac ee lala galay Imaaraadka. Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in la filayey laba diyaaradood oo kale inay Muqdisho yimaadaan Jimcihii shalay si loo soo gabagabeeyo hawlgalkan.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa duulista hawada ayaa sheegay in bixitaanka diyaaradaha ay ka dambeysay maalmo ay taagnayd xiisad la xiriirta habraacyada duulimaadka.

Hay’adaha Soomaaliya ayaa dalbaday dokumeentiyo, diiwaanka shixnadda (flight manifests), iyo oggolaansho rasmi ah ka hor inta aysan fasixin diyaaradaha. Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa markii hore ka cago-jiiday awaamiirta, balse markii dambe way u hoggaansameen oo gudbiyeen waraaqihii loo baahnaa.

Bixitaankan ayaa imaanaya kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay u codeeyeen inay laalaan dhammaan heshiisyadii amniga, difaaca iyo iskaashiga ee la xiriiray dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dowladda ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay xadgudubyo culus oo lagu sameeyay madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka iyo madaxbannaanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here