Xulka Senegal ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika (AFCON) markii labaad taariikhdiisa, kaddib kulan kama dambeys ah oo xamaasad, muran iyo rabshado wata oo ay 1–0 kaga adkaadeen xulka martida loo ahaa ee Morocco, kaas oo ka dhacay garoonka Prince Moulay Abdellah ee magaalada Rabat.
Ciyaarta ayaa gool la’aan ku dhammaatay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, hase yeeshee waxay gashay waqti dheeri ah, kaddib markii xiddiga Morocco Brahim Díaz uu qasaariyey rigoore daqiiqaddii 96-aad ee waqtiga dheeriga ah ee qaybta labaad.
Rigoorahaas oo ay VAR-ku ku abaalmarisay Morocco, ayaa si weyn u kiciyey muran iyo caro, taas oo sababtay gacan ka hadal dhex maray ciyaartoyda, shaqaalaha farsamada iyo taageerayaasha, iyadoo taageerayaal Senegal ah ay xitaa gudaha u soo galeen garoonka.
Booliska rabshadaha ayaa ku qasbanaaday inay farageliyaan, halka qaar kamid ah taageerayaasha la xiray, mid kamid ah waardiyeyaashana dhaawac loogu qaaday isbitaal.
Kadib rigooraha la qasaariyey, Senegal ayaa si buuxda ula wareegtay ciyaarta, waxaana daqiiqadihii hore ee waqtiga dheeriga ah goolka guusha u dhaliyey Pape Gueye, kaas oo kubbad xooggan ku hubsaday shabaqa, kana adkaaday goolhayaha Morocco Yassine Bounou.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada dhinacba fursado badan lumiyeen, iyadoo Bounou uu badbaadiyey dhowr kubbadood oo halis ahaa qeybtii hore, halka Edouard Mendy uu isna ka hortagay weerarro dhowr ah oo Morocco sameysay.
Guushan ayaa Senegal u xaqiijisay koobkoodii labaad ee AFCON, iyagoo raacaya kii ay ku guuleysteen 2022, halka Morocco ay mar kale ku hungoobtay riyadii ay ku soo afjari lahayd 50 sano oo ay koobkan sugeysay, gaar ahaan iyagoo ku ciyaarayay garoonkooda iyo taageerayaashooda hortooda.
Markii uu yeeriyay seeriga dhammaadka ciyaarta, ciyaartoyda Senegal ayaa u dabaaldegay guusha iyagoo la dabaaldegaya taageerayaashooda, halka ciyaartoyda Morocco ay dhulka fadhiisteen iyagoo niyad-jab iyo argagax ka muuqdo, kaddib habeen taariikhi ah oo u noqday mid xanuun badan.
Guud ahaan, final-kan ayaa galay taariikhda AFCON inuu noqdo mid ka mid ah kuwii ugu muranka badnaa, uguna xiisaha badnaa, balse nasiib darro ay hareeyeen rabshado iyo go’aanno muran dhaliyey.
Koonfederayshinka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa si adag u cambaareeyay dhaqanka aan la aqbali karin ee ay muujiyeen qaar ka mid ah ciyaartoyda iyo mas’uuliyiinta intii lagu guda jiray final-ka Koobka Qaramada Afrika, kaas oo xalay ka dhacay Rabat, isla markaana u dhaxeeyay xulka Morocco iyo Senegal, CAF ayaa si gaar ah u tilmaamtay in wixii falal xun ah ee ka dhacay ciyaaraha, gaar ahaan kuwa lala beegsaday garsoorayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha ciyaarta, ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.
CAF waxa ay sheegtay in hadda dib u eegis ku sameyneyso dhammaan muuqaalada la duubay ee kulanka, iyadoo ballanqaaday in arrintan loo gudbin doono hay’adaha ku habboon si tallaabo sharci ah looga qaado kuwa lagu helo inay galeen falalkaas.



