Home WARARKA Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo Howlgallo Adag ka Wada Duleedka Kismaayo

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo Howlgallo Adag ka Wada Duleedka Kismaayo

16
0

Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa wada howlgallo culus oo amni sugid ah kuwaas oo ka socda deegaano ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii hay’adaha amniga ay heleen xog sirdoon oo muujinaysa in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayayeen inay dib isugu abaabulaan qaar ka mid ah deegaannadaas.

Ciidamada Danab ayaa howlgallada ku wehlinaya ciidanka ka tirsan maamulka Jubbaland sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka gobolka.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow howlgallada, ciidamada ayaa diiradda saaraya baaritaanno la xiriira walxaha qarxa ee lagu aaso waddooyinka muhiimka ah, iyo sidoo kale galitaanka tuulooyin lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa si rasmi ah u billowday galabnimadii Isniinta.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Danab ayaa kordhiyay howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo saraakiisha hoggaaminaysa ay sheegeen in ay guulo la taaban karo ka gaareen hawlgalladii ugu dambeeyay.

Dhanka kale, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay garab taagan yihiin ciidamo deegaan iyo kuwa is-abaabulay ee Macawisley, ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkooda ku aaddan ciribtirka Al-Shabaab dhammaan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here