Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in nin hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada uu weerar xooggan ku qaaday goob biraha lagu aruuriyo.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in uu gudaha u galay dhismahaasi oo ah goob lagu uruuriyo biraha qashinka lagu uruuriyo, waxaana uu rasaas ku furay sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow dhow.
Inta uu falkaasi dhacay ayaa la sheegay in ninka weerarka geystay uu toogtay mid ka mid ah ganacsatada Ethiopian-ka ah, kaasi oo ku howlanaa uruurinta biraha qashinka loo dhoofiyo, gaar ahaan dalka Itoobiya.
Toogashadan ayaa waxaa ku dhaawacmay muwaadin kale oo u dhashay dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, weerarka ka dib, waxaa goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay, lamana hayo faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan baxsashadiisa.
Falkaan ayaa ka dhacay Waaxda Starlin ee Degmada Wadajir, Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa durba gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay falkan.
Laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin war rasmi ah oo ku aadan dhacdadan. Laamaha amaanka ayaa balan qaaday in ay sii wadayaan baaritaanada ayna la wadaagi doonaan wararka ku saabsan sida ay wax u dhaceen.