Home WARARKA Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

Ciidanka Booliska Afmadow oo qabtay rag ku lug lahaa ugaarsiga sharci-darrada ah

16
0

Ciidanka Booliska degmada Afmadow ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay rag ku lug lahaa laynta iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee ugaarta, kuwaas oo khatar weyn ku hayay duur-joogta deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Afmadow, Cabdiraxmaan Macallin Cali ayaa sheegay in raggan la soo qabtay ay horey isaga dhega-tireen digniino ku saabsan mamnuucidda xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah.

Wuxuu yiri “Raggan waxaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka ammaanka, Waxaan u gudbinaynaa hay’adaha cadaaladda, waxaana si degdeg ah maxkamadda loogu soo horgeyn doonaa si sharciga loo waafajiyo.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa farriin u diray bulshada deegaanka isagoo ugu baaqay in muhiimad gaar ah iska saaraan Ilaalinta deegaanka, Ka fogaanshaha xaalufinta kheyraadka dabiiciga ah iyo laynta duur-joogta.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday In shacabku la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo soo qabto kuwa u taagan dhibaataynta deegaanka ayna bulshada umidoowdo ilaalinta bilicda iyo hantida dabiiciga ah ee dalka.

Maamulka Afmadow ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo duur-joogta, islamarkaana cid kasta oo ku xad-gudubta shuruucda deegaanka lagu qaban doono si adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here