Home WARARKA Kooxda Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday magaalada Buurgaabo

Kooxda Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday magaalada Buurgaabo

18
0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka qaraxyada ku bilaawday ayaa kooxdu ku qaaday magaalada Buurgaabo oo ku taala dhanka xuduuda beemaadka au wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sido kale u dhow magaalada Raaskambooni oo ah dhul xeebeed ka tirsan Jubbada Hoose.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka ka dhacay Buurgaabo ayaa sheegaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, kaasoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladda amni ee Buurgaabo ay weli kacsan tahay, islamarkaana duuleedka magaalada wali laga maqlayo hub culus oo la is weydaarsanayo saacado kadib markuu bilowday weerarka kooxdu ku qaaday deegaankaas.

Si kastaba ha ahaatee majiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here