Home WARARKA Turkiga oo Soomaaliya u Tababaraya Ciidamo cusub

Turkiga oo Soomaaliya u Tababaraya Ciidamo cusub

14
0

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaraysa Ciidamo cusub oo loo dhammaystirayo qalabka ay ku howlgalayaan sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, ciidamadaan waxa ay isugu jiraan kuwa Badda, Cirka iyo Dhulka si loo xoojiyo amniga Dalka.

Xukuumadda Ankara ayaa muddo kordhin u samaysay Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee amniga Dalka sugistiida qaybta ka qaadanaya, waxaa ciidankaas wehliya macallimiin kaalin wayn ka qaatay tababarka ciidanka Qaranka.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya iskaashi Militari oo ka kooban ka shaqaynta Amniga, Xoojinta Ciidamada Ammaanka, Tabarrada ciidamo cusub iyo waxyaabo kale oo hoostaga dhinaca Militariga sida heshiiska ku xusan.

Turkiga ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo isugu jira Kumaandoos iyo Booliis gaar u tababaran, waxa uu horay u diyaariyay Ciidamo kooban oo duuliya Diyaaradaha Casriga ah ee dalkaas kuwaas la qorshaynayo in la kordhiyo.

Muqdisho & Ankara ayaa kawada shiraya waqtiga rasmiga ah ee ciidamadaas tababarka loo xaraynayo, tirada guud inta ay noqon doonto iyo waxyaabaha kale ee hoostagaya howlaha farsamo ee ciidamadaas la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here